Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali ayaa ka qaybgalay kulan ay yeesheen Wasiirka caddaaladda Puntland Saalax Xabiib Jamac, Taliyaha booliska Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muse, Madaxa tababarada ee Taliska Asluubta G/dhexe Cabdullahi Maxamed Mire iyo gudoomiyaha ururada bulshadda rayidka ah ee Puntland Faysal Axmed Warsame.

Kulankaas oo ahaa mid muhiim ah ayaa lagu gorfeeyay xaqiijinta doorka kor-joogtaynta iyo u qareemidda ee bulshada rayidka ah ee Puntland ay ku yeelanayaan xaaladda saldhigyada iyo xabsiyada Puntland.

Dhinacyadu waxay isku raaceen in daneeyaasha aan dowliga ahayn ee Puntland ay korjoogtayn karaan isla markaasna booqan karaan saldhigyada iyo xabsiyada Puntland si ay u xaqiijiyaan doorkooda u qareemidda, waxaana dhinacyadu arrintaas ka gaareen heshiis buuxa.

Heshiiska saddex geesood ah oo arrintaas lagu cadaynayo ayay kala saxiixdeen bulshadda rayidka ah ee Puntland, Taliska booliska Puntland, Taliska Asluubta, Wasaaradda Caddaaladda iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *