Tababaro dhowr ah oo midkiiba socday muddo Saddex cisho ah oo loo qabtay Saraakiisha Booliska degmooyinka Ufayn, Baargaal, BenderBayla iyo Dhahar oo uu wehliyay kulan kale oo maalin ah oo ay wadajir u yeesheen booliska iyo bulshadda degmooyinkaas ayay heshiis lix qodob ah ku gaareen labada dhinac, kaas oo ujeedadiisu tahay in la helo hanaan lagu garowsanayo isku-xirnaanshaha iyo masuuliyad wadaaga booliska iyo bulshada ee sugidda amniga iyo xasiloonida dadka ku dhaqan deegaanka.

Shaqa-wadaaga Booliska iyo Bulshada micnihiisu waxaa weeye, adkeynta xiriirkooda, xallinta dhibaatooyinka si wadajir ah, si aragti fog kawada hortaga fal-danbiyeedyada, tacadiyada xuquuqda aadanaha, qalalaasaha iyo gabood-falada ka dhanka ah dadka xaaladaha nugul ku jira ee haweenka, carruurta iyo barakacayaasha.

Sarkaal ka tirsan booliska Baargaal iyo xubin ka mid ah odoyaasha deegaanka oo heshiiska ay saxiixeen la kala wareegaya Khamiis 26 July, 2018

Qodobada heshiiska Bulshada iyo Booliska degmooyinkaas oo ay goobjoog u ahaayeen mid walba 40 qof oo labada dhinac ka socda ayaa u qoran sidan hoose:

1- In la abuuro jawi wada shaqayn iyo kalsooni mug wayn una dhaxaysa booliska iyo bulshada, booliskuna tixgeliyo bulshada u adeegaayo.

2- In la sameeyo wacyigelin shaqada booliska, faa`iidada iyo muhiimada shaqada booliska.

3- Booliska iyo bulshadaba inay u dhega nuglaadaan ilaaliyaan sharciga iyo xeerarka dalka.

4- Boolisku inay ka fogaadaan tacadiga dadka naftooda, gaar ahaan jirdilka, bahdilka iyo tun-jilicsiga ayna raacaan shuruucda iyo xeerarka, gaar ahaan xuquuqda aadanaha.

5- In si gaar ah loo ilaaliyo xuquuqda haweenka, carruurta, barakacayaasha iyo naafadda.

6- Bulashadu waxa ay xaq uleeyihiin inay soo gudbiyaan cabashooyinka ay ka qabaan booliska, iyo dhacdooyinka ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha oo kaashanaya booliska Puntland isla markaasna taageero ka helaya Sanduuqa Xasilinta Soomaaliya (SSF) ayaa tan iyo bishii hore tababaro noocaan ah ka waday degmooyinka Ufayn, Baargaal, BenderBayla iyo Dhahar, si kor loogu qaado wacyiga bulshadda iyo booliska deeganadaas ee ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyadoo ay wada shaqaynayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *