Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Mohamed Yusuf Ali iyo saraakiil ka tirsan qaybta ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee xafiiska ayaa booqday hay’adda baaritaannada Sayniska ee Puntland oo la hirgeliyay sanadkii hore. Madaxa sare ee hay’adaas Cabdirashiid Shire iyo saraakiil ka tirsan xafiiska ayaa soo dhoweeyay wefdiga.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay sidii ay wada shaqayn dhow uga yeelan lahaayeen yaraynta dembiyadda iyo tacadiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha iyadoo loo marayo nidaam wada-shaqayneed oo dhow.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu muujiyay muhiimada uu leeyahay adeega foreensigu iyo in la dardargeliyo inuu si wanaagsan u shaqeeyo.

Xaruunta foreensiga ee hay’adan oo adeegsanaysa qalabka xaqiijiya dembiyada dhacay iyo dheecanada ayaa caawin doonta hay’adaha amaanka, kuwa garsoorka iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh arrimahaas, sida xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *