Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa (Khamiis 30ka Agoosto, 2018) Garowe ku qabtay shirka billaha ah ee Guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, kaas oo ay ka soo qayb-galeen Xubno ka tirsan guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamanka Puntland, masuuliyiin ka socda Wasaaradda Caddaaladda oo iyadu shirka martigelisay, Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Wasaaradda Amniga, Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, Gudoonka iyo xeer ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamadda, Saraakiil ka tirsan hoggaanka boolisaynta Bulshadda, Taliska Asluubta Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah ee UNSOM iyo EU-CAP.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali ayaa shirka gudoominayay.

Guddiga Isku-dhafka ah ee dabagalka arrimaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo uu hoggaamiyo xafiisku isla markaasna ay qaybta ka yihiin guddiga Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamanka iyo Xafiiska Difaacaha ayaa shirka ku soo bandhigay warbixinadii dabagalka ahaa ee ay sameeyeen bilihii Maajo iyo Agoosto ee sanadkan, kuna saabsan arrimaha Xuquuqda Aadanaha ah oo ay ka soo arruuriyeen 12 degmo oo ka tirsan gobollada Bari, Karkaar, Nugaal iyo Mudug.

Guddigu waxay sheegeen in ay soo arkeen xaalado tacadi ku ah xuquuqda Aadanaha sida kufsi, xaaladda maxaabiista iyo meelaha ay ku xiran yihiin oo aan wanaagsanayn magaalooyinka qaarkoodna ay maxaabiista xirani ay ka badan yihiin intii ay qaadi kari lahaayeen xabsiyadu, maxaabiis mudo dhaaf ah oo xabsiyada isaga jira, adeegyadii muhiimka u ahaa caddaaladda iyo Garsoorka oo aan meelaha qaarkood shaqaynayn iyo cabashadda ciidamada booliska iyo hay’adaha Garsoorka ee la xiriira helitaanka Xuquuqdooda, taas oo iyana hadii aan la helin halis ku ah ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Guddiga dabagalka ee isku dhafka ahi waxay xaalado daran oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ka soo weriyeen Gaalkacyo, Xarfo iyo Boosaso. Ka qaybgalayasha ayaa dooddo xasaasi ah ku soo bandhigay kulankan, waxayna codsadeen in nuxurka shirka iyo arrimaha lagu soo bandhigayba la gaarsiiyo hay’adda fulinta, gaar ahaan xubanaha Baarlamanka ayaa ka qaybgalayaasha qaarkood ka codsadeen in ay arrintaas ka shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Baarlamanka iyo difaacaha Xuquuqda Aadunuhuna waxay balanqaadeen in ay u doodi doonaan arrimaha qaarkood sidii dhaqso wax looga qaban lahaa loona gaarsiin lahaa hay’adaha ay khusayso.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xasan Aw-Cismaan ayaa ka jawaabay maxaabiista mudo dhaafka ah qaarkood in ay ka war hayaan, wuxuuna sheegay in ay yihiin kuwa lagu leeyahay daymo lacageed iyo magdhow, isla markaasna aan banaanka lagu sii dayn karin si loo badbaadiyo naftooda, wuxuuna xeer ilaaliyuhu soo xiray shirka

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *