Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa qabanqaabiyay shirka afraad ee guddiga wadashaqaynta Arrimaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo Axadii lagu qabtay Boosaso, markii ugu horaysay; kaas oo looga hadlayay u qareemidda hirgelinta xeerka kufsiga Puntland. 40 qof oo isugu jira Nabadoonadda, haweenka, dhalinyaradda, qareenadda, garsoorayaasha maxkamadaha qaarkood, booliska, booliska bulshadda iyo culimada gobolka Bari ayaa ka qaybgalay shirkaas oo lagu qabtay Hotelka Jubba ee magaaladda Boosaso.

Dhinacyada oo dhan ayaa shirka hadalo ka jeediyay iyagoo dul istaagayay dhibaatooyinka kufsiga, sida ay ku dhacaan iyo sababaha u u hirgeli la’yahay xeerka kufsiga oo inta badan la sheego in loo weeciyo geedka halkii ay ahayd in maxkamadaha laga geeyo, si kufsadayaasha ay ku cadaato loo marsiiyo caddaaladda iyadoo la cuskanayo xeerka kufsiga.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali oo furitaanka shirkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in muhiimadda dadkaas la isugu keenay ay tahay in dhinacyadda fadhiya ay doodad kadib baaq midaysan ka soo saaraan hirgelinta xeerka kufsiga, wuxuuna gebagebadii shirka difaacuhu jeediyay baaqa hirgelinta xeerka kufsiga oo ay saxiixeen haweenka, culimada iyo nabadoonada gobolka Bari.

Codka bulshadda kulanka ka hadlay ayaa muujinayay in hirgelinta xeerka kufsigu ay hoos u dhigi karto falalka kufsiga ah iyo tacadiyadda ka dhaca Puntland, waxayna hay’adaha Garsoorka u jeediyeen in ay xeerka adeegsadaan.

“Odoyaasha Nabadoonadda ah waxaan ugu baaqayaa in aysan ka gar niqin kiisaska kufsiga ah” ayuu yiri Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Xarrago oo kulanka ka hadlay, wuxuuse xusay hadii ay dowladdu waxba ka qaban kari waydo kiisaskaas in ay ku khasban yihiin nabadoonadu in ay arrimahaas dhex galaan si aan dhibaato intaas ka weyni u dhicin.

Wasiirka caddaaladda Puntland Saalax Xabiib Jamac oo shirka afraad ee guddiga wadashaqaynta arrimaha xuquuqda Aadanaha Puntland soo xiray, wuxuu soo dhoweeyay baaqa iyo go’aanka bulshadda Boosaso, wuxuu kaloo xaqiijiyay in xeerka kufsiga ee golayaasha la mariyay uu markii horeba ku yimi wadatashi bulsho laguna saleeyay Dastuurka Puntland oo ay saldhig u tahay Diintu islaamku.

Shirkan guddiga wada-shaqaynta Arimaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa inta badan xoogga lagu saaraa arrimaha taabanaya xuquuqda asaasiga ee dadka, waxaana wadajir u gudoomiya Xafiiska difaacaha, Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Aw-qaafta iyo Wasaaradda haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *