Garowe, 1 Sibtembar, 2020 – Tababar muddo sadde cisho ah  socday hawl-wadeennada xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa soo idlaaday gelinkii dambe ee Talaadada. Tababarkan oo ay bixinayeen khuburo dhinaca maamulka iyo horumarinta xafiisyada ah isla markaasna ay gacan ka geysteen khuburo shacri ayay ka faa’iidaysteen shaqaalaha iyo saraakiisha xafiiska dhexe ee Garowe.

Daraasaadka tababarka lagu bixiyay mudada uu socday ayaa isugu jiray kuwa la xiriira dhinaca maamulka hufan iyo xisaabaadka, wada-shaqaynta kooxda, maamulka kiisaska, in la dabakho qorshaha guud ee xafiisku degsado saddexdii sanaba mar iyo dhawrista iyo horumarinta xuquuqda Aadanaha.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Mumin oo tababarka u xiray hawl-wadeennada ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in la dardar geliyo hawl-socodsiinta shaqada xafiiska iyo in la guto waajibaadka dastuuriga ah ee xafiiska.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bilk a hor Difaacaha cusub waxaa socday dib-u-habayn iyo dadaalo kor loogu qaadayo shaqada xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *