Toddobaadka dhexdiisa, Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo taageero ka helaya Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM ayaa Garowe ku soo geba-gebeeyay tababar saddex maalmood ah oo loo qabtay 30 qof oo isugu jira qareeno iyo hawl-wadeenada xafiiska ee gobollada Puntland, tababarka ayaa xoogga saaraayay in la kobciyo aqoonta tababartayaasha ee barashadda hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda Aadanaha si ay ugu dabakhaan hawlahooda shaqo ee ay goboladda ka wadaan.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali ayaa ka sheegay furintaanka tababarka in ay doonayaan in aqoon ahaan horumarin lagu sameeyo u dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda Aadanaha Puntland, si wax isaga bedelaan xaaladda.

Daraasaadka tababarka oo u badnaa fahamka guud ee Xuquuqda Aadanaha, Xeerarka caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, Xuquuqda haweenka, Xuquuqda Baragkacayaasha iyo qaxootiga, iyo Xuquuqda carruurta, waxaana daraasadka bixintiisa gacan ka geystay khuburo ka socda xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, UNSOM, UN WOMEN iyo UNODC

Saddex cisho ee tababarkan socday waxaa intiisa badan ay ka qayb-galayaashu qaateen casharo toos ah oo la xiriira sida shaqadda loo qabto, taas oo la doonayo in ay wax ku darto heerka shaqo ee soo gudbinta warbixinta xaaladaha Xuquuqda Aadanaha ee Puntland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *