Saraakiil sar sare oo ka tirsan Xafiiska EUCAP SOM ayaa Salaaso 16ka Oktoobar, waxay booqdeen xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee Garowe oo ay kula kulmeen agaasimayaasha qaybaha xafiiska iyo madaxda mashaariicda oo uu horkacayo Difaacacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland. Kulanka intiisa badan wuxuu daaranaa is xogwaraysi ku wajahan halwaha labada xafiis ay wadaan iyo wada-tashi guud.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali ayaa ka warbixiyay hawalaha tirada badan ee horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee xafiisku uu ka qabtay goboladda teer iyo markii la asaasay bishii Nofembar 2014. Wuxuu xusay in hawlo isugu jira boolisayn bulsho, kor u qaadista aqoonta haweenka ee Xuquuqdooda Aadaminimo iyo kulamo bulshadda iyo booliska ah ay sanadkan oo keliya ka qabteen 17 degmo oo ka tirsan gobollada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari iyo Haylaan.

Saraakiisha Xafiiska ee kulanka ka qaybgalay iyo difaacuhuba waxay xuseen mashaariic kale oo gobollada ka socda.

Madaxa Xafiiska EU-CAP Rintje Joustra ayaa dhiciisa warbixin ka sameeyay hawlaha xafiiskooda uu ka wado dalka oo dhan, isagoo sheegay in ay awood dhisid u sameeyaan kulamaysatadda iyo dadka deeganadda xeebaha Soomaaliya, si loo xoojiyo wax soo saarka iyo ammaanka Badaha ee dalka.

Sida ay saraakiishu sheegeen, Xafiiska EU-CAP waxaa qorshayaashiisa ka mid ah tixgelinta Xuquuqda Aadanaha iyo Jinsiga.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa kor u qaadaya xiriirkiisa daneeyasha Soomaaliya si loo laba jibaaro dadadaaladda horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Puntland iyo guud ahaan dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *