Shaqaalaha Xafiiska oo uu hoggaaminayo Difaaaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Mohamed Yusuf Ali ayaa 23kii ilaa 29kii bishii hore ee Sibtember waxay safar waxbarasho oo Toddobo cisho ah ku tageen magaaladda Kampala ee dalka Uganda, xaruunta guud Guddiga Xuquuqda Aadanaha dalkaas.

Ujeedadu waxay ahayd in shaqaalaha labada dhinac ay is dhaafsadaan khibrad iyo aqoon ku aadan arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee ay ka shaqeeyaan. Hawlwadeenadda Xafiiska ayaana kala soo noqday safarkaas waayo aragnimo dheeraad ah.

Difaacaha iyo hawlwadeenaduba intii ay joogeen dalkaas waxay booqdeen waaxyaha cabashadda, Baarista iyo Adeegga sharciyadda, Korjoogtaynta, Daraasaadka, xaruunta Maktabadda iyo qaybo kale oo muhiim oo ka tirsna xafiiska guud ee Guddiga Xuquuqda Aadanaha dalka Uganda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *