Xafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha iyo wasaarada haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa 30ka Disembar si wadajir ah u qabtay shirkii todobaad ee guddiga wadashaqaynta arrimaha xuquuqda Aadanaha Puntland.

Shirkaas ayaa looga hadlay tebinta warbixinnada xuquuqda aadanaha iyo kuwa tacadiyada ka dhanka ah jinsiga. Waxaa aad loo gorfeeyay sidii la isu waafajin nidaamka kiisaskaas si ay u gaaraan garsoorka, arrintaas oo ay dood dheer ka galeen qaybihii kala duwanaa ee shirka ka qaybgalay sida xafiiska xeer ilaalinta, taliska booliska, xafiiska difaacaha, wasaarada haweenka iyo bulshada rayidka ah.

Shirka gudiga wadashaqaynta arrimaha xuquuqda Aadanaha Puntland oo bille ah waxaa wadajir u gudoomiya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska iyo wasaaradda caddaaladda Puntland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *