Wefdi ka socday hay’adda Socdaalka ee dowladda Sweden ayaa booqday xafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ee Garowe. Waxay la kulmeen Difaace Maxamed Yusuf Cali iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan Xafiiska.

Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu wuxuu wefdiga ku soo dhoweeyay xafiiska, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay hawalaha uu qabtay teer iyo markii la asaasay iyo shaqooyinka la xiriira Xuquuqda Aadanaha ee hadda socda.

Ujeedada kulanka labada dhinac ayaa ahayd xog kala qaadasho, waxaana aad looga wada-hadlay arrimaha dhibaatadda gudniinka fircooniga iyo saamaynta uu ku leeyahay bulshadda Soomaaliyeed, taas oo ay wefdigu su’aalo badan iyo macluumaad hore ka weydiiyeen xafiiska.

Dowladda Sweden ee ay wefdigani ka socdeen ayaa qayb ka ah daneeyaasha beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *