Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo taageero ka helaya hay’adda Save The Children ayaa toddobaadka wuxuu adeegyo caafimaad u fidiyay 59 carruur naafo ah oo ku kala nool goobaha baragkacayaasha iyo xaafadaha dadka nugul ee magaalooyinka Garowe, Jalam iyo Qardho ee goboladda Nugaal iyo Karkaar ee Puntland.

Carruurtan oo ka yar da’da 15 sano ayaa cisbitaalo ku yaala Garowe iyo Qardho loogu sameeyay baaritaano dhinaca Indhaha, dhegaha, cunaha iyo afka ah. Natiijadda baritaanadaas kadibna waxaa Xafiisku daawooyin iyo okiyaalaha indhaha u iibiyay inta badan carruurtaas oo laga soo xulay iskuulada goobaha ay degan yihiin.

Mashruuca NORAD ee hay’adda Save The Children oo wada shaqayn leeyihiin xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa maalgeliyay hawlahan