Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa xaruntiisa Garowe ku qabtay kulan ay ka wada-qayb galeen Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Maxamuud Xasan Aw-cismaan, Taliyaha Hoggaanka Dembi-baarista Booliska Gen. Ibraahim Cali Xasan, Agaasimaha Hay’adda Foorensig Sayniska Cabdirashid Maxamed Shire iyo Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali. Mas’uuliyiinta iyo hawl-wadeenada xafiisyadooda ayaa ka baaraan degay:
- Sidii loo hubin lahaa in ay caddaalad helaan dhibanayaasha iyo eedaysanayaasha kiisaska la xiriira xuquuqda aadanaha.
- In hay’ad kasta ay dawrkeeda ka qaadato sarraynta iyo u sinnaanta sharciga
- In la dhawro xogta dhibanaha iyo eedaysanaha oo aan saxaafadda lagu shaacin
- Iyo ugu dambayn in kiisaska sida ugu dhaqsiyaha badan ay u helaan garsoor caddaali ah.
Kulankan ayaa ahaa shirka saggaalaad guddiga daneeyayaasha xuquuqda Aadanaha Puntland oo ay wada guddoomiyaan Xafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha, wasaaradda caddaaladda iyo wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska