Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha oo kaashanaya Hoggaanka Boolisaynta Bulshadda Puntland isla markaasna taageero ka helaya sanduuqa xasilinta Soomaaliya (SSF) ayaa soo gebogebeeyay weji kale oo ka mid ah tababaro ku wajahan boolisaynta bulsahdda iyo Xuquuqda Aadanaha kuwaas oo lagu qabtay degmooyinka Qardho, Waaciye, Carmo, Isku-shuban iyo Boosaso oo ka tirsan gobollada Bari iyo Karkaar. Tababarayaal ka socda Xafiiska Difaacaaha iyo Hoggaanka boolisaynta Bulshadda Puntland ayaa hawsha si wadajir ah u fulinayay.

Wejigan waxaa lagu tababaray 150 qof oo ka mid ah bulshooyinka degmooyinkaas ku dhaqan, si kor loogu qaado isku xirka booliska iyo bulshadda oo la doonayo in ay ka wadashaqeeyaan ka hortaga falalka amni daro, tacadiyadda iyo gabood-faladda ka dhanka ah dadka nugul iyo xoojinta xasiloonidda deegaanka, sida uu sheegay mareeyaha mashruuca Maxamed Maxamuud Axmed.

Dadka tababarkan ka faa’iidaystay waa 110 qof oo bulshadda rayidka ah oo ay Siddeed ka mid ah Nabadoono yihiin, 50 ka mid ahi haween yihiin, waxaa sidoo kale ku jira 40 ka mid ah booliska degmooyinkaas, taas oo wadarta ka dhigaysa 150 ka faa’iidayste” sida lagu sheegay warbixinta tababarka ee xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland”

Magaalooyinka Qardho iyo Boosaso ayaa hore u lahaa hanaanka booliska bulshadda oo xafiisyo iyo wada-shaqayn dhow la leh saldhigyadda booliska ee degmooyinkaas. Waxaase xusid mudan intii tababaradani socdeen in Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha oo taageeraya hoggaanka boolisaynta bulshadda Puntland ay saddex xafiis oo cusub ka fureen degmooyinka Waaciye, Carmo iyo Isku-shuban oo qorshuhu yahay in ay hadda kadib ka hawlgalaan degmadiiba 15 qof oo gudi booliska bulshadda ah.

Laba gabdhood oo ka mid ah dadkii ka faa’iidaystay tababarkii Qardho lagu qabtay 27kii iyo 28kii ayaa 30kii Sibtember, waxay arkeen kiiska nin toorey ku dhaawacay nin kale, dilkaas oo ka dhacay meel Buush ah oo ku yaala kamamka baragkaca ee Qardho. Markay arkeen falka; ninkii wuxuu isku deyay inuu baxsado balse way qabteen, waxaana goortaas kadib caawiyay rag kaamka joogay. Gabdhihii waxay u yeereen booliska, dhibanihii waxay u jareen warqad dhaawac muujin ah, waxayna kula taliyeen inuu qareen qabsado, waxay qabteen shaqo muhiim ah oo uusan boolisku ogaadeen” ayuu yiri G/dhexe Cabdirisaq Darwiish oo ah sarkaalka xiriirka gobolladda ee hoggaanka boolisaynta bulshadda oo ka mid ahaa macalimintii tababarka bixinayay”

Bulshadda degmooyinka tababarka lagu qabtay waxay muujinayeen in ay aad u hoosayso iska warqabka iyo nidaamka xiriir ee u dhexeeya booliska iyo bulshadda, waxayna boorinayeen in la badiyo tababaradda iyo wacyigelinta arrintan ku aadan si hoos loogu dhigo tacadiyadda dhaca iyadoo la gaarsiinayo ilaa xaafadaha. Booliska ayay u jeediyeen in ay muhiim tahay in ay sameeyaan nidaam xiriir deg deg ah oo markaba lagu heli karo booliska. Saraakiisha booliska ee tababarka joogay ayaa xaqiijiyay in shaqooyinka ugu muhiimsan iyo khataraha ay ka hortagaan ay u badan yihiin kuwa ay xogtooda bulshaddu la soo wadaagtay booliska.

Meelaha qaarkood kalsooni xumo ayaa ka jirta Ilaalinta ilaha xogta ee bulshadda ka yimaada oo la sheegayo in aysan boolisku u tababarnayn sidii ay u dhowri lahayeen, waxaana lagu daray qorshe hawleedka degmooyinka ee booliska iyo bulshadda, si kor loogu qaado kalsoonidaas.

Siddeed ka mid ah nabadoonada gobolka Bari oo ka shaqeeya barnaamijka Boolisaynta bulshadda ayaa qayb ka ahaa tababarka Boosaso lagu qabtay 5tii iyo 6dii Oktobar. Waxaana qorshuhu yahay in tababarka kadib ay wadajir u shaqeeyaan Guddiga boolisaynta bulsahdda ee Boosaso, Nabadoonadda iyo booliska saldhigyadda degmadaas.

Mudadii mashruucu socday sanadkan, waxaa tababaro noocaan ah xafiisku hore ugu qabtay 210 ka mid ah bulshadda iyo booliska degmooyinka Garowe, Dangoroyo, Godobjiiraan, Burtinle, Xarfo, Galdogob iyo Galkacyo oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Mudug ee Puntland. Guud ahaan ka faa’iidaystayaashu waa 360 qof oo ku kala sugan 12 degmo oo ka mid ah Mudug, Nugaal, Karkaar iyo Bari.

#DHAMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *