Bosaso – Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo taageero ka helay hay’adda  UNDP ayaa ku wareejiyay maamulka Xabsiga weyn ee magaalada Boosaso agabka jiifka ee loogu tala-galay in lagu maareeyo maxaabiista xilligan khatarta Karoona Fayrus.

Agabkan oo isugu jiray 320 Joodari, 320 go’ iyo 320 barkimo ayaa wakiilka Xafiiska Difaacaha ee gobolka Bari Maxamuud Axmed Xasan uu ku wareejiyay maamulka xabsiga weyn ee Boosaso.

Taliyaha Xabsiga Boosaso G/sare Shire Siciid Maxamed ayaa ka mahadceliyay taageeradan dhinaca gogosha ah oo muhiimad u weyn u leh xabsiga, wuxuu sheegay in mudo dheer aysan helin cid ka taageerta dhinaca gogosha iyo kala fogaynta maxaabiista isagoo intaas ku daray in maxaabiista ku xiran xabsiga ay aad uga badan yihiin gogosha hadda ay heleen.

Wuxuu intaas ku daray taliyuhu in ay xafiiska iyo bahwadaagtiisa ka sugayaan taageero intaas ka badan iyo u qareemid.

Xafiiska ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo noocaan ah oo lagu taageerayo xabsiyada waa weyn ee Puntland, taas oo looga golleeyahay ka hortagga iyo xakamaynta khatarta Karoonaha ee xabsiyadda iyo goobaha dadka lagu xiro.

DHAMAAD

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *