War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen xafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, dalladda daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo ururka saxafiyiinta Puntland MAP ayay dowladda cod dheer ugu jeediyeen in ay ilaaliso xuquuqda xorriyadda hadalka ee saxaafadda iyo tan muwaadiniinta caadiga ah ee dalka.

“Qof walba xor buu u yahay inuu cabiro fikradiisa, waana soo bandhigi karaa” ayuu yiri Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali

Madaxda ururradda MAP iyo PUNSAA ayaa iyaguna dowladda ugu baaqay in ay ilaaliso sharciga iyo ku dhaqankiisa isla markaasna ay tahay in muwaadiniintu ay xorriyadooda ku naaloodaan cabsi la’aan.

”Xiritaanka Mohamed Darwish waxa uu wiiqayaa xuquuqda asaasiga ah ee xorriyadda hadalka, madaxdu waa inaanay cabsi galin muwaadiniintooda ayna u oggolaadaan dadweynaha inay ra’yigooda u muujiyaan shuruud la’aan iyo ka cabsasho aargoosi” Ayuu yiri Gudoomiyaha MAP Mohamed Dahir Caynsane

6dii bishan ayay ahayd markii Garowe lagu xiray Maxamed Darwish oo fikradiisa qaab qoraal ah u soo bandhigay kadibna baraha bulshadda dib ugu baahiyay, isagoo muujiyay inuu ka soo horjeedo shirkii dowlad-goboleedyaddu ay ku lahaayeen Kismaayo, waxaase la sii daayay 24 saac markuu xirnaa.

Xarriga muwaadinkaas ayaa war-saxaafadeedka wadajirka ahi xusay inuu ahaa mid ka hor imanaya qodobka 14naad ee Dastuurka Dowladda Puntland iyo qodobka 19naad ee heshiiska caalamiga ah ee xuquuqdda Siyaasadda iyo madaniga (ICCPR) oo ay Soomaaliya hore u saxiixday 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *