XAFIISKA XUQUUQDA AADANAHA PUNTLAND IYO DALLADDA PUNSAA OO IS KAASHANAYA AYAA SHIR KU SAABSAN ARRIMAHA XUQUUQUL AADANAHA PUNTLAND

Shir ku saabsan wada-tashiga xaaladaha xuquuqda Aadanaha  Puntland oo ay iska-kaashanayan  Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha dowladda Puntland iyo Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe

Shirkaan oo mudda laba maalmood ah soconaya ayaa looga hadlayaa kor u qaadista wada-shaqeynta ka dhexaysa  Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, Dalladda ay ku midaysanyihiin bulshada rayidka ah ee PUNSAA.

Gaar ahaanna sidii Xafiisku ula wadaagi lahaa bulshada rayid ah warbixinta Sanad laha ahayd oo uu xafiisku soo jeediyay sanadka 2016-2017  kuna saabsanayd heerka xuquuda Aadanaha Puntland.

Ugu horayn waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xafiiska Xuquuqda Aadanaha Puntland  Mohamed Yuusuf Cali,  ayaa shirka ka sheegay in ay diyaar u yihiin la-wadaagista bulshada rayidka ah,Xogta iyo warbixinaha ku saabsan heerka xuquuqda Aadanaha, gaar ahaanna xaaladda ka jirta xabsiyada ku yaalla guud ahaan degaannada Puntland.

Dhinacakale Guddoomiyaha Dalladda ay ku midaysan yihiin Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA,Faysal Axmed Warsame(Faysal Qaran) ayaa sheegay in dalladda ay ka go’antahay  in ay Xafiiska Difaaca kala shaqeyso u qareemidda arrimaha Xuquuqda Aadanaha, si loo helo xogta rasmiga ah ee heerka Xuquuqda Aadanaha ee ka jira guud ahaan degaannada Puntland.

Mahan Marki ugu horeysey oo shir noocaano kale ay ka wada qaybqaatan Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland iyo  Dalladda ay ku midaysan yihiin Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *