Waxaa manta soo booqday xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland wafti uu hogaaminaayay gudoomiyaha maxkamada sare ee soomaaliya , waxaa xafiiska ku soo dhoweeyay gudoomiyaha xafiiska xuquuqda aadanaha Puntland

gumiyaha maxkamada sare iyo gudoomiyaha xuquuqda aadanaha  ayaa ka wada hadlay arimaha xuquuqda aadanaha madaama ay yihiin bahwadaag.

Ugu horey gudoomiyaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimi gudoomiyaha maxkamada sare iyo waftigiisa, waxaa una uga warbixiyay xaalada xuquuqda aadanaha Puntland.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ayaa u mahadceliyay sida uu ugu soo dhoweeyay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland.

labada masuul arimaaha ay is kala hadleen waxaa ka mid ahaa :

u qareemida dadka baahiyaha gaarka ah qaba dadkaas oo aad aysan u helin xuquuqdooda marwalbana u baahan u qareemid iyo in xaaladooda la la socdo.

Waa markii ugu horeysay oo gudoomiyaha maxkamada sare ee soomaaliya uu soo booqdo tan iyo markii la furay xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *