Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha ee Puntland oo kaashanaya hoggaanka boolisaynta bulshadda ee Puntland ayaa tababaro ku aadan boolisaynta bulshadda iyo dhowrista xuquuqda Aadanaha wuxuu ku qabtay magaalooyinka Garoowe iyo Dangoronyo ee gobolka Nugaal. Tababaradaas waxaa midkiiba ka faa’iidaystay 30 qof oo qaybaha bulshadda ah.

Maalmihii 12 – 13ka bishan Maajo ayaa xafiisku tababarka koowaad wuxuu ku qabtay hoteelka New Rays ee magaaladda Garowe. 14 – 15kiina waxaa isla tababarkaas lagu qabtay hoolka booliska ee degmada Dangoronyo.

Taliyaha hoggaanka boolisaynta bulshadda ee Puntland Col. Cabdirashiid Cadceed Geele (Dhaylo’aad) ayaana daahfuray tababarka Garowe. Wuxuu sheegay in hoggaankan oo xiriiriya booliska iyo bulshooyinka la unkay 2014, mudadaasna ay horumar sameeyeen, balse aysan helin tababaro ay siiyaan bulshadda si ujeedada boolisaynta bulshadda loo gaaro. Col. Geele ayaa mashruucan oo 15-ka bilood ee soo socda laga fulin doono 12 degmo, wuxuu ugu mahadceliyay xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha ee Puntland.

“Anaga waxay noo tahay fursad weyn oo aan ku dhexgalayno bulshadda, kuna fahansiinayno boolisaynta si ay wada shaqayn u yeeshaan booliska iyo bulshadda, iyadoo la dhowrayo xuquuqda Aadanaha,” Ayuu yiri Col. Geelle.

Duruus la isku duba-riday oo ay ku dhan yihiin fahamsiinta boolisaynta, ilaalinta xuquuqda Aadanaha iyadoo dadka la tusayo xeerarka iyo heshiisyadda caalamiga ah, iyo duruus ku saabsan shuruucda asaasiga ah, kuwa caalamiga ah iyo dastuurka Puntland ayaa loo dhigay dadweynaha. Waxaana la arruuriyay aragtooda ku aadan fahamka hore ay arrimahan ka haysteen iyo midka ay hadda heleen.

Madaxa mashruucan Maxamed Maxamuud Axmed (Gurungur) ayaa yiri “Hadafka tababarkan waa ah in la hagaajiyo xiriirka booliska iyo bulshadda iyada oo la dhawrayo lana hormarinayo xuquuqda Aadanaha”

Laba tababare oo ka tirsan hoggaanka boolisaynta bulshadda iyo tababare ka socda xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha ayaa si wadajir ah labada degmo uga bixiyay duruusta loogu talagalay ka qayb-galayaasha. Tababaradan waxaa si horudhac ah uga soo baxay in bulshadda oo isku dhaf ah qoreen qorshe hawleedyo cad cad oo ay ku wada shaqayn karaan booliska iyo bulshaduba.

Ku xigeenka duqa degmadda Dangoronoyo Maxamed Faarax Muuse ayaa sheegay in bulshadda degmadiisu ay aad ugu baahnayd tababarkaas. Wuxuu yiri “Booliskuna ma helo tababar wanaagsan bulshaduna uma dhega nugla aadna uma fahansana micnaha booliska, waa sababta ay ku dhacdo in marar qaarkood xoog loo adeegsado dadka, taas oo dhibaato ka sii dhalato”

Geba-gebadii tababarka Dangoronoyo, waxaa dadweynuhu qaateen hadalo mahadcelin ah kuwa ay ku xaqiijinayaan in ay diyaar u yihiin in la is fahmo oo si wanaagsan loo wada-shaqeeyo. Balse waxay hadalka ku adkeeyeen in loo baahan yahay in inta wax la bilaabo aan looga harin halkii lagu bilaabay. Waxayna ka codsadeen hoggaanka boolisaynta iyo xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha in ay sii wadaan hawshan oo ay degmada mar kale yimaadaan.

Hay’adda SSF ayaa dhaqaale xoog leh ku bixinaysa mashruucan horumarinta xuquuqda Aadanaha, boolisaynta bulshadda iyo wacyigelinta xuquuqda Aadanaha ee haweenka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *