Munaasabada xuska 70sano guurada ka soo wareegtay maalinta caalamiga ah Xuquuqda Aadanaha 10ka Disembar, waxay ka dhacday Garowe. Xafiiska difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo iskaashi la sameeyay Wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa isku soo dubariday munaasabadda, iyadoo sidoo kale ay maanta ku beegnayd gunaanada 16ka maalmood ee laga hadlo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, carruurta, dadka nugul iyo kor u qaadista xuquuqdooda.

Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali, Wasiirka haweenka iyo arrimaha Qoyska Maryan Axmed Cali iyo Marwada madaxweynaha Hodon Siciid Ciise ayaa ka qaybgalay munaasabada oo ay goobjoog ahaayeen madax ka socday hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga, kuwa maxaliga ah, haweenka iyo ururrada bulshadda ee Puntland.

Khudbad dheer oo uu difaacuhu jeediyay wuxuu kaga hadlay xuquuqda muwaadiniinta ee dhinaca waxbarashadda, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Wuxuu aad ugu dheeraaday metelaada siyaasadda ee haweenka, dhawrista xuquuqda carruurta iyo ilaalinta xuquuqda eedaysanayaasha.

Munaasabadda waxaa shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyay dad loo aqoonsaday in ay gacan ka gaysteen difaacidda iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Puntland. Waxaa ka mid ah Col. Bilaal Axmed Xasan oo ah khabiir boolis, hoggaanka guud ee boolisaynta bulshada Col. Cabdirashiid Cadceed Geelle, dhamme Maxamuud Muuse Bille Fardafuul ah oo taliyaha saldhiga dhexe ee Garowe iyo Cabdigalad Yusuf Xallane oo ah xubin ka mid ah booliska bulshada ee Garowe.

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland wuxuu kaloo u mahadceliyay bahwadaagtiisa dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *