Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha oo kaashanaya wasaaradda caddaaladda dowladda Puntland iyo hay’adda Diakonia ayaa isku-dubariday xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha 29ka Nofeembar, 2018.

Xuska waxaa ka soo qaybgalay haweenka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Xuquuqda haweenka, saraakiil ka socday xafiiska xeer ilaalinta, ururada qareenadda, ururada bulshadda rayidka ah ee Puntland, booliska, bahda caafimaadka iyo xafiisyada fulinta ee wada-shaqaynta dhow ku leh arrimaha haweenka.

Munaasabadda waxaa inteeda badan xoogga lagu saaray dood ku saabsan caqabadaha ay haweenku wajahaan, fursadaha horyaal ee looga gudbi karo caqabadahaas iyo hour-socodka dadaaladda haweenku ay qaybta ka yihiin ee bulshadda. Dhinacyadda shirka ka qaybgalay ayaa jeediyay in la xaqiijiyo xuquuqaha asaasiga ah ee haweenku ay leeyihiin iyo in la sugo u sinnaanta fursadaha shaqadda, metelaada iyo ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *