Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Maxamed Yusuf Cali ayaa maanta Baarlamanka Puntland wuxuu ka horjeediyay warbixin sannadeedka saddexaad ee waxqabadka xafiiska iyo arrimaha xuquuqda Aadanaha Puntland. Taas oo inta badan xoogga saaraysay hawlihii iyo dhacdooyinkii 2018.

Warbixinta ayaa lagu faahfaahiyey dadaalo horumarineed oo laga sameeyay horumarinta xuquuqda Aadanaha, caqabadaha weli jira, fursadaha iyo talooyinka ku aadan arrimaha ilaalinta iyo dhawrista Xuquuqda Aadanaha si hoos loogu dhigo tacadiyada ka dhanka ahnsaanka.

Warbixinta oo ka kooban 34 bog ayuu difaacuhu si kooban ugu sharaxay baarlamanka, markaas dabadeedna su’aalo ayay xildhibaanadu ka weydiiyeen difaacaha caqabadaha jira, xuquuqda shaqaalaha guud ee dowladda, wada-shaqaynta xafiiska iyo hay’adaha kale ee dowladda iyo talooyinka.

Difaacuhu wuxuu sheegay in xafiisku si toos ah uga shaqeeyo 12 degmo oo ka tirsan gobolada Sool, Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Guardafu, Haylaan iyo Sanaag oo ay ka socdaan barnaamijyada horumarinta xuquuqda Aadanaha oo inta badan xoogga lagu saaro tayaynta booliska bulshadda.

Waa warbixintii saddexaad ee xafiisku soo saaro mudada Afarta sano iyo bilooyinka ah ee uu jiray. Difaacaha xuquuqda Aadanaha ayaa u mahadceliyay xukuumadii hore maadama ay ku dhiiratay hirgelinta xafiiskan oo muhiim u ah dadka iyo dowladnimada Puntland

Leave a Reply