Ereyga Difaace : waxay ahayd 27 november 2014 markii golaha baarlamanka Puntland doorteen difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland sida ku cadqodobka 64(9) iyo 117 ee dastuurmka dowlada Puntland.
Mudada 2016-2017 ee warbixinta diirada saarayso waxaa shaqada xafiiska hagaayaey u jeedeeyinka istraatiiga eek u xusan qorshaha xafiiska ee sadexda sano 2015-2017 xafiiska oo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee ku xusan qodobka 18 ee dastuurka dowladda Puntland qodobka 12aad ee xeerka Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland , ayaa qabtay cabashooyinka bulshada kormeerka goobaha shaqo ee xukuumada tababar iyo wacyigalina u sameeyey wacyigalinta hey’adda dowladda iyo bulshada.
Waxaan halkan ku soo koobayna nuxurka warbixinta .
- Xafiiska wuxuu booqashooyin kormeer iyo u kuurgelid xaalada xuquuqda aadanaha ku kala bixiyay deegaano Puntland ee Bosaso, Carma, iskushuban , waaciye, badhan, dhahar , qardho, dangoroyo, garowe , buurtinle , godobjiraan , boocame ,xarfo ,galdogob,gaalkacayo ,
- Waxaa unkamay iskaashi xafiiska iyo booliska Puntland , xafiisku wuxuu tababar ay 336 xubnood oo booliska Puntland ah oo ka kala socday 14 degma
- Xafiisku wuxuu tababaray 180 xubnood oo ka tirsan 12degmo, tabababrkaan oo ku saabsan hanaanka ilaalinta xuquuqda aadanaha , wadashaqayn bulshada iyo booliska