Garowe – Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Siciid Cabdi Muumin ayaa Isniintii xabsiga weyn ee Garowe kaga qayb-galay munaasabad weyn oo xafiisku qaban-qaabiyay taas oo isugu jirtay agab ku wareejin xabsiga iyo kormeer xaaladda xabsiga.

Agabka ka hortagga iyo faya-dhawrka karoona fayrus oo tiro badnaa isla markaasna xafiisku hore uga qaybiyay xabsiyada kale ee Puntland iyo saldhigyada booliska ee Bosaso, Garowe, Qardho iyo Galkacyo ayaa gudoomiyuhu si rasmi ah gunaanadkiisii ugu wareejiyay taliyaha xabsiga dhexe ee Garowe iyo ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka Asluubta Puntland.

Agabka xafiisku u qaybiyay xabsiyada iyo saldhigyada booliska tobankii cisho ee u dambeeyay ayaa ka koobnaa 3,000 oo kartoon oo afgashi (Facemask) iyo gacmo gashi (Gloves) ah. 900 oo shay oo isugu jira joodariyo, barkinno iyo go’yaal si gaar ah loogu tala-galay maxaabiista xabsiyada Qardho, Galkacyo iyo Garowe iyo 4,400 oo ah alaab kala duwan oo loogu tala-galay faya-dhawrka.

Mashruucan ayaa xoogga saarayay xabsiyadda iyo goobaha kale ee dadka lagu xiro ee Puntland si loo xaqiijiyo xaaladda xuquuqda Aadanaha goobahan iyo in la xurmeeyo, lana ilaaliyo in maxaabiistu ay awood u yeeshaan in ay helaan macluumaad sax ah oo ku aadan nidaamka ka hortagga Karoona Fayrus ee jira xilligan xasaasiga ah.

Xildhibaan ka tirsan guddiga xuquuqda aadanaha Baarlamanka, Gudoomiyaha gobolka Nugaal, gudoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ee Puntland, taliska guud ee Asluubta iyo saraakiil ka socday xafiiska difaacaha iyo taliska Asluubta ayaa ka qayb-galay munaasabadda.

Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu wuxuu si gaar ah ugu kuurgalay xaaladda maxaabiista gaar ahaan kuwa u xiran Burcad-badeedda iyo kuwa u xanniban xaq lagu leeyahay oo uu sheegay inuu si weyn ugu qareemi doono. Wuxuu kaloo kormeeray garoonka cayaaraha ee xabsiga iyo aagaga xirfadaha lagu baro maxaabiista.

DHAMAAD –

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *