Xafiiska Difaacaha iyo dalladda daneeyayayaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa wadajir u qaban-qaabiyay kulan loogu qareemayo maxaabiista xabsiyada Puntland ee qaanta u xiran isla markaasna awooddi waayay in ay iska gudaan.

Xafiiska Xeer-ilaalinta, Taliska ciidanka Asluubta, Bulshada rayidka ah, culimada, Odoyaasha dhaqanka, Haweenka iyo Ganacsatada ayaa ka qayb-galay kulanka.

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-Cismaan ayaa ka qayb-galayaasha u sheegay hantida iyo qaanta lagu leeyahay tiro maxaabiis ah oo muddo dheer ku xirnaa xabsiyada kuwaas oo ay eheladoodu awoodi waayeen in ay ka gudaan qaanta lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay in $134,000 ay tahay isu-geyn lacagta qaanta ah ee lagu leeyahay.

Guddi ka koobnaa culimada, ganacsatada, dhaqanka iyo bulshada rayidka ah oo mar sii horaysay ay dowladdu u xilsaartay wax ka qabashada arrintan ayaa sheegay in ay bixiyeen dadaal xoog leh oo ay ku dhimeen culayskii weynaa ee qaanta. Sheikh Mukhtaar Axmed Faarax oo guddigaas ka mid ah wuxuu sheegay in qaanta markii hore ay ku qiimaysnayd ilaa nus milyan dollar, laakiin dadaal ay bixiyeen oo isugu jira qaaraan iyo qareemid ah in qayb la cafiyo ay arrinta ku soo gaarsiiyeen inta hadda dhiman.

Ka qayb-galayaasha shirka ayaa isku raacay in la sii wado dadaalka qareemidda si ay xorriyadooda u helaan maxaabiista qaanta u xiran, iyadoo si wadajir ah looga rajaynayo in hawsha ay isula dhamaystiraan dowladda iyo bulshada.

Leave a Reply